Qaramada Midoobay oo Qorshaynaysa $2 Bilyan Gurmad Bani’aadamnimo oo Itoobiya ah 2025
Qaramada Midoobay oo Qorshaynaysa $2 Bilyan Gurmad Bani’aadamnimo oo Itoobiya ah 2025, iyadoo la tacaalaysa Faaruq Maaliyadeed oo dhan $496 Milyan DOLOW, SRS: Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa ku qiyaasay in $2 bilyan loo baahan yahay si loo fuliyo gurmadka bani’aadamnimo ee Itoobiya sanadka 2025, iyadoo la sheegay faaruq maaliyadeed oo gaaraya $496 milyan rubuci hore ee sanadka. Sida ku cad warbixintii ugu dambeysay ee Mudnaanta Gurmadka Bani’aadamnimo iyo Faaruqyada Maaliyadeed ee Halista ah, Itoobiya waxay weli la tacaalaysaa caqabado bani’aadamnimo oo daran oo ay sababaan colaadaha socda, isbeddellada cimilada, iyo xaaladaha caafimaad ee degdegga ah. Colaadaha iyo Dhibaatooyinka Badbaadada Xaaladda bani’aadamnimo waxay weli halis ku tahay gobollada ay colaaduhu saameeyeen sida Amxaarada iyo Galbeedka Oromia, halkaas oo ammaan-darro ay carqaladeysay helitaanka adeegyada aasaasiga ah. OCHA waxay soo jeedisay walaacyo la xiriira badbaadad...