Nafdada Musuul ka Noqon #be responsible on your life
Naftaada Cidi Masuul Kagama Ahan.
Xaqiiqdu sida ay tahay qof walbaa oo ilaah ku karaameyay abuuristiisa aadaminimo waxaa uu masuul ka yahay naftiisa, iyo qaab nololeedkiisa u gaadhka ah, iyo sidoo kale sida uu u maaraynayo waxyaabaha soo foodsaara nolosha:
• farxada
• murugada
• walbahaarka
• walwalka
• Saameynta Deganka
• Hiigsiga Mustaqbalkisa
• Xulashada rabitaankiisa.
• Go,aanka nafsadeed
• iyo, waxyaabaha kale nolosha. i
hadaba inagoo ku saleyno qoraalkeenan Kooban Sidee ama ayaa masuul ka ah Geediga noolasheyda ee mustaqbalka. mawduuca buugeenan dhinaca waxbarashada iyo geediga iyo hayaanka loomaro.
Akhriste kaba soo qaad waxaa tahay Kaso Ardey oo waxaad ku gudo jirtaa wadada waxbarasho waxaa ku saran masuuliyad, si
aad u illaaliso waajibaadkii ku saarna waxaa loo baahan yahay inaad ogaato in xil ku
saaranyahay adiguna aad masuul ka tahay waxkastoo oo noloshaada ah.
(Xeeladaha la isticmaalo xiliga waxbarashadu ma rabtaa in aad wax ka ogaato!.
Ardeygu maxu u baahan yahay in uu dhowro?
Sidee ayuuna oga so bixi karaa heerarkiisa waxbarasho?
Sidee ayaan imtaxaanadka u wajahaa si aan u keeno dhibco sare?
Sidee ayaan ula qabsadaa jawiga ama qababka wax akhriska?
Sidee ayaan si sahlan ku fahmaa culuunta?
Sidee ayaan u maareyaa waqtiga?
Iyo su'aalo kala oo badan hadii aad rabto in aad jawaab u hesho inala so xadhiidh. I.a waan ka caawin doonaa.)
Kasoo qaad waxaad
tahay arday soo dhamaystay nidaamkii waxbarasho 12 ka sano oo manta jaamacad lagu qoray, si
aad usii wadato waxbarashadaada, hadaba waxaa masuuliyadi kaa saarantahay inaad tagto
jaamacadii lagugu qoray ama wax u dhigma waayo maanta waa maalintaadii waalidiintaadii way
guteen waajibkoodii waxaanay kugu simeen maalintii aad u hiilin lahayd ee ad adigu
mustaqbalkaaga dhisi lahayd, waa inaad ogaato in manta maalintaadii ay tahay halka aad adigu
manta isdhigto ayuun baad ahaanaysaa, ka kac jiifka oo fuli waajibaadkaaga dhinackasta.
Waxa jira waxyaabo badanoo kaa hor istaagi kara hadafka iyo mustaqbalka aad rabto inaad
noloshaada ku dhisto, si aad uga gudubto la kaalay samir, dulqaad iyo dadaal dheeraada. Waxa
jira waxyaabaha qaar, dadka qaar, dareenada qaar kusoo maray oo kaaga baahan inaad iska sii
dayso sababtoo ah waxay kaa hor istaagi karaan horumarka noloshaada. Adigaa masuul ka ah,
isticmaal awooda illahay ku siiyay adigoo markasta fiirinaya isna waydiinaya su’aasha ah…
maxaan ka faa’iidayaa inaan ku dhaganaado cadhada, cafis la’aanta iyo dareenada negative ka
ah, ha u ogolaan in dareenadaasi kaa qaadataan nabada qalbigaaga iyo caafimaadkaaga
maskaxeed.
Ka fogow dareenadaa si aad uga waynaaato, go’aana uga qaadato wax walboo gadaal kuu
celinaya, ma aha wax fufud waxay kaaga baahantahay dadaal iyo marwalba inaad la socoto
dareenadada nafsiga ah una fikirto dhinaca fiican (positive) ka.
Ogow qofka kaliya ee farxadaad
iyo noloshaada masuul ka ka ahi inaad adiga tahay, farxadu waxay ku dhexjirtaa naftaada, adiga
ayaa abuuranaya qaabka aad u noolaanaysid.
Dooro qof ka aad la saaxiibaysid, iyo qofka/asxaabta aad ka dhigaynso mid aad oga dayato, waxaa aad hiigsanayso,
tani waxay kuu sahleys/suurto galinaysaa inaad noloshaada masuuliyadeeda xor aad u tahay. Hadaba akhriste hadafka iyo ujeedka aad
Nolasha ka lee dahay si aad u gaadho, adigu naftaada:
**la tartan
**la xisaabtan
waydii maxaa kuu qabsoomay,
maxaana kuu hadhsan
#########
yoolkaaga ama himiladaadu inaad garaad kaaga koriso haku dhererin dadka
kale, cabirna ha ka dhigan ee isku day inaad adigu ka korodho caqli ahaan iyo cilmi ahaanba.
Halkaad manta joogto isku day inaad ka korto oo halkaad manta joogto bari aanad joogin.
![]() |
| Abbas |

Comments
Post a Comment